Somali News

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka sameeyay deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud

Ciidanka Xoogga iyo dadka deegaanka ayaa howlgallo ka dhan ah dagaalameyaasha Al-shabaab ka sameeyay deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud.

Goobaha ay ciidanka howlgallada ka sameyeen ayaa waxaa kamid ah deegaanka Bulacle oo u dhow deegaanka Ceel-lahelay oo dhowaan laga saaray Al-shabaab.

Ciidankaan waxaa hoggaaminaya saraakiil ka tirsan xoogga dalka oo uu kamid ahaa Jeneraal Aadan Laba-afle iyo guddooomiyaha caasimadda Dhuusamareeb Cabdiraxmaan Geedaqorow.

Sidoo kale, waxaa shalay ciidanka furimaha ku booqday Senator Cabdixakiin Macalin Axmed iyo guddoomiyaha gobolka Galgaduud Cilmi Cali Ganey.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan, si dagaalameyaasha Al-shabaab looga saaro dalka.