Somali News

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka sameeyay gobolka Shabeellada Dhexe

Ciidamada xooga dalka iyo dadka deegaanka   ayaa howlgallo ka dhan ah dagaalameyaasha Al-shabaab, ka wada wabiga jiinkiisa Shabeellada dhexe.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga ayaa sheegay in howlgalka lagu qaaday fariisin ay dagaalameshaa Al-shabaab kuku leheed deeganada Wabiga jiinkiisa ah ee Mahadaay hoostaga.

Dagaal ayaa ka dhacay deegaanada Ciid Ciidka, Oobaale iyo kuwa kale ayaa waxaa lagu dilay dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab.

Waxaana saraakiisha Ciidanka xoogga ay sii wadi doonaan howgalka ay ka wadaan deegaannada ka ag dhow jiinka wabiga shabeelle.