Somali News

Ciidanka Xoogga oo sheegay in Sh/hoose ay ku dileen Xubno ka tirsan Al-shabaab

Ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay in ay dileen xubno ka tirsan Al-shabaab, ka dib howlgallo ay ka sameeyeen tuuloouyin hoos yimaada deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Saraakiisha Ciidanka Hoggaamineysa ayaa sheegay in howgalka uu si gaar ah uga dhacay tuulooyinka Nuunaay, Nuun-garre iyo Tawakal oo u dhow degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Taliyaha ururka 7-aad ee guutada Gorgor Gaashaanle Maxamed Sheekh oo howlgalka hogaaminayay ayaa sheegay in howlgalka ay ku dileen afar xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.

Sidoo kale talayaha ayaa tilmaamay in burburiyeen Doon ay wabiga labadiisa dhinac isaga kala gudbi jireen Al-Shabaab.