Somali News

Col. Cabdullahi “Ilaaladii Fahad rabitaankooda ayay ugu laabteen Taliska NISA, waana ognahay Qorshaha socda

Kiisas aad loo hadal hayay maalmihii la soo dhaafay kuna saabsan weerar la sheegay in lagu qaaday guriga Fahad Yaasiin lagana kaxeeyay askar iyo gaari ayaa marba marka ka danbeysa waxaa soo baxayay warar kiiskan ku saabsan.

Taliyaha dabagalka NISA Col.Cabdullahi Dheere oo kamid ah saraakiisha aadka ula socda xuuraansiga hey’adda awood badanna ku dhex leh ayaa waxaa uu beeniyay in weerar lagu qaaday guriga Fahad Yaasiin.

“Xog aruurin aan sameeyay kadib, Waxaan u cadeynayaa umadda Soomaaliyeed in guriga Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin aan la weerarin. Kaliya ciidankii ilaalada ka hayay guriga ayaa rabitaankooda ugu laabtay taliska dhexe ee nabad sugidda” ayuu yiri Cornel Cabdullahi Daahir (Cabdullahi Dheere)

Sidoo kale waxaa uu sarkaalkan ku baaqay in la joojiyo been abuurka, lalana shaqeeyo dowladda cusub ee madaxweyne Xasan Shiikh hogaamiyo.

“Cid walba oo ku lug leh waa in ay joojisaa been abuurka, waana in lala shaqeeyaa madaxweyne Xasan Shiikh oo aan la wadaagi doono dhaq dhaqaayada la xiriira amniga, isaga iyo Taliye Mahad Salaad oo shaqsi wax badan qaban kara ah” Ayuu markale yiri Cabdullahi Dheere.

“Waa in madaxda cusub ee dhamaan hey’adaha amniga wax ka bartaan qaladaadkii ka dhacay dowladii hore mudadii shanta sano ahay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Korneylka.

Taliyaha dabagalka NISA Cabdullahi ayaa dhanka kale wuxuu tilmaamay in iscasilaad dhawaan laga baahiyay inuu u gudbiyay agaasimaha cusub ee NISA Mahad Salaad aysan ahayn mid hadda ah balse ay ahayd mid ka horeysay maamulkan cusub, isagoona sheegay in koox loo shaqeeyaa ay ka qiimo badan tahay dalka oo wax loo qabto.

Hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa muddo sanad ah ku jirtay jah wareer wixii ka danbeeyay soo if baxa Kiska Ikraan Tahliil oo nolol iyo geeri lagu waayay 26-kii June sanadkii hore bishaan oo kale.

Agaasimaha cusub ee NISA Mahad Salaad ayaa ka sukow inuu bedelay qaar kamid ah talisyo qeybeedyada hey’adda waxaa kale oo horyaala shaqooyin adag oo ay ugu soo horeyso ka qeyb qaadashada sugidda amniga xafladda caleyma saarka madaxweyne Xasan Shiikh oo ay imaanayaan qaar badan oo kamid ah madaxda caalamka, taasi oo lagu wado in ay dhacdo maalmaha soo socda.