Somali News

Cumar Filish oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho  Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish)  ayaa maanta dib ugu soo noqday dalka kadib safar shaqo oo maalmihii la soo dhaafay uu ku joogay dalka Turkiga.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa waxaa garoonka Aadan Cade ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay madax kala duwan oo isugu jirtay Xildhibaano katirsan BFS, Maamulka gobolka Banaadir iyo maamulada Degmooyinka.

Duqa magaalada ayaa soo dhaweyn kadib waxa uu Warbaahinta kula hadlay qeybta V.I.P isagoo ka warbixiyay heshiishkii ay wada gaareen Dowlada Hoose Konya ee dalka Turkiga iyo Dowlada Hoose ee Muqdisho