Somali News

Cumar Finish oo kulan la qaatay ku xigeenada maamulka Gobolka Banaadir

Cumar Maxamuud Maxamed(Cumar Finish) Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa kulan gaar ah markii ugu horeysay la qaatay guddoonka sare ee maamulka gobolka Banaadir tan iyo markii uu la wareegay xafiiska.

Waxaa uu la xiriiray kulankaan dardargalinta howlaha ay dowlada hoose ee Xamar, xoojinta islaxisaabtanka iyo la dagaalanka musuq maasuqa taas oo qeyb ka ah siyaasadda guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho uu ku wajahaayo magaalada.

Cumar Maxamuud Maxamed(Cumar Finish) Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulankaasi hadal ka jediyay ayaa maamulka gobolka kula dardaarmay in s dhab ah loogu shaqeeyo dadka.