Somali News

Cuna qabateyn lagu soo rogay wasiirka arrimaha dibaada Iran.

Muqdisho-KNN-Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay wasiirka arrimaha dibadda Iran Mohammad Javad Zarif.

Cunaqabateynkan ayaa wuxuu saameynaya dhammaan hantida uu Mr Zariff uu Mareykanka ku leeyahay in la xayiro” ayey tiri wasaaradda maaliyadda.

“Javad Zarif wuxuu meel mariyaa siyaasadaha khatarta leh ee hoggaamiyaha ruuxiga Iran Ayatollah Ali Khamenei” ayuu yiri wasiirka maaliyadda Steven Mnuchin.

Me Zarif wuxuu boggiisa Tweetarka uu ku qoray inuu Mareykanka uu cunaqabateyn u saaray isaga oo sheegay iney u arkaan mid ay siyaasaddiisu halis ku tahay.

Xiisadda ka dhex aloosan Mareykanka iyo Iran ayaa cirka isku sii shareertay wixi ka dambeeyey marki uu sanadki hore Mareykanka uu ka baxay heshiiski niyukilarka ee 2015-ka la galay ee lagu xakameeynayey barnaamijyada niyukilarka Iran.

Xiisadda isa sii tareyso iyo dhacdooyinka iska soo daba dhacaya ee gacanka ka taagan ayaa laga cabsi qabaa iney horseedaan dagaallo iney ka dhacaan marin biyoodka maraakiibta caalamka Muhiimka u ah.