Somali News

Daacish oo lacago ku soo rogtay ganacsatada Boosaaso

Boosaaso-KNN-Kooxda Daacish ee ka dagaalanta deegaanada Puntland ayaa waxa ay kusoo rogtay lacago aan tiro yareyn ganacsatada ku jirta beec-mushtarka magaalada Boosaaso.

Guuxa lacagahan ayaa laga dareemayaa suuqyada Boosaaso, qaar kamid ah gacansatadana waxa ay warbaahinta u xaqiijiyeen in Daacish ay kusoo rogtay lacago xad dhaaf ah.

Daacish ayaa amaradan kusoo rogtay ganacsiga heerarkiisa kala duwan, waana lacag bil walba la dhiibayo, ciddii bixin weysana Daacish dil ayay ku xukuntay.