Somali News

Daadad ay dad ku dhinteen oo ku dhuftay Afghanistan.

Muqdisho-KNN-Ugu yaraan 20 ruux oo ay ku jiraan caruur badan ayaa geeriyootay kadib markii daadad xoogan ay ku dhufteen lix degmo oo hoostaga caasimada gobolka Khandahar sida ay sheegtay hay’adda Qaramada midoobe.

Dadka geeriyooday ayaa intooda badan ahaa dad ay kusoo dumeen guryihii ay daganaayeen halka qaarkoodna ay laqalibmeen gawaari ay siteen.

Sidookale Ugu yaraan 10 ruux oo ay caruuri u badanyihiin ayaa wali lala’yahay sida ay ku waramayso Qaramada midoobe.

Guryaha ku waxyeeloobay daadadka ayaa lagu qiyaasay in ay gaarayaan 2,000 oo guri.

Gudoomiyaha gobolka Khandahar ayaa sheegay in daadadkani ay yihiin kuwii ugu xumaa ee gobolka ku dhufta mudo laga joogo 7 sano. Sida laga soo xigtay hay’adda Qaramada Midoobe horaantii sanadkan ayaa sidookale daadad ku dhuftay qaybo kamid ah dalka Afghanistan waxaa ku dhintay 50 ruux.