Somali News

Daawo: Coronavirus oo ku soo laba kacleeyey Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Wasaaradda caafimaadka ayaa maanta qabatay kulan ay ku soo dhaweynaysay saxiixidda sharciga golaha mihnadlayaasha caafimaadka qaranka oo uu saxiixay Madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulankaas ayey wasiirka Caafimaadka Fowziya Abiikar ka sheegtay inuu dalka ku soo laba kacleeyey xanuunka Coronavirus.

Masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka, Xildhibaano ka tirsaan aqalka sare, la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha sharciga iyo masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galay kulanka oo loogu mahadcelinayey madaxweyne Farmaajo oo saxiixay sharciga golaha xirfadlayaasha caafimaadka oo ay horey u meel mariyeyn xildhibaanada labada gole.

La taliyaha madaxweynaha ee arrimaha sharciga Abuukaate Keyse Saciid Cartan oo wasiirka Caafimaadka ku wareejiyay Dukumentiga sharciga Ayaa si kooban uga hadlay muhiimada sharcigan.

Senator  Cismaan Maxamuud Dufle  ayaa sharaxay marxaladihi uu soo maray Sharciga golaha mihnadlayaaaha caafimaadka oo soo biloowday 2014.

Wasiirkii ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya  Axmed Xuuseen Macallin  Ayaa xusay In sharcigan uu muhiim u yahay dhamaan Umada Soomaaliyeed.

Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulsahada Fowsiyo Abiikar Nuur  Ayaa si faah faahsan uga hadashay muhiimadaha waaweyn ee uu xambaarsanyahay sharcigan.

“Waa sharci loo baahnaa waqtigiisa ayuuna ku yimid waana sharcigii ugu horeeyay waxaana sharcigaan uu kala saari doonaan yaa awood uleh dhaqtar yaase noqon karo ayay tiri wasiirka caafimaadka Fowsiyo Abiikar Nuur.

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa dhaqan gelinta Sharciga golaha xirfadlayaasha caafimaadka oo wax badan kusoo kordhin doono Hanaanka Caafimaad ee dalka.

Wasiir Fowsiyo waxay faahfaahin ka bixisay kiisaskii u dambeeyey ee wasaaraddu diiwaan gelisay, waxayna sheegtay in Soomaaliya iyo guud ahaan caalamka uu ku soo laba kacleeyey cusurku.

Hoos ka Daawo wasiirka oo sharaxeysa

https://www.facebook.com/KulmiyeOffical/videos/1255339061494590