Somali News

Daawo: Rooble oo kulan isugu yeeray saraakiisha ammaanka kadib qaraxii xalay

Muqdisho-KNN-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta kulan degdeg ah isugu yeeray laamaha amniga eenka howlgala magaalada Muqdisho, kadib qaraxii xalay ka dhacay maqaayadda Gelato Divino, oo lagu dilay sideed dhallinyaro.

Rooble ayaa saraakiisha ammaanka ka dhageystay warbixin la xiriirta amniga dalka, gaar ahaan falkii xalay lagu beegsaday dhalinyaro Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, wuxuuna siiyey amaro la xiriira amniga.

Intaas kadib Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku adkeeyey laamaha ammaanka in ay waajib ku tahay ilaalinta nafta iyo maalka bulshada, isagoo ku amray inay xoojiyaan howlaha sugidda ammaanka caasimadda.

“Waxaa laga sugayaa hey’adaha amniga in ay sii dardar geliyaan dadaallada lagaga hortagayo falalkan xasuuqa ah ee cadowgu ay soo maleegayaan. Argagixisadu waa sii tabar darreynaysaa maalinba maalinta ka danbeysa, kaddib markii ciidamadeenna geesiyaasha ah ay si mugleh uga shaqeeyeen amniga xilli aan furnay jidadkii magaalada,” ayuu yiri Rooble.

Hoos ka Daawo warbixin uu nooga diyaariyey Weriyaha Idaacadda Kulmiye Yoonis Duraan Cali.