Somali News

Dab ka kacay suuq ku yaala degmada Wanla-weyn

Dab xoogan ayaa xalay ka kacay qeybo kamid ah suuqa degmada Wanla-weyn ee muuri la yiraahdo waxaana ka dhasha khasaaro hantiyeed  oo aaad fura badan.

Goobta uu dabka qabsaday ayaa ahayd goob lagu iibiyo kaalin shidaal,  islamarkaana ay yaaleen booyado waa weyn oo shidaal ay ku jiraan.

Ma jiraan wax khasaara nafeed  uu geysatay dabkaasi, balse waxaa jira khasaaro hantiyeed oo ka dhashay dabkaasi.

Sababta keentay Dabkan ayaa la sheegay in ay tahay koronto wallow aanan xaqiiqa loo heyn midaasi,  iyadoona dadka deegaanka ay ku guuleysteen  in ay gacmahooda ay ku damiyaan, madaama Wanla-weyn uusan laheyn  gawaarida dab damiska ah waana sabata keentay in dabka uu saacdo badan qaato, islamarkaana khasaaro badan uu geysto.