Somali News

Dabley hubeysan oo gabdho arday ah ka afduubtay jaamacad ku taalla dalka Nigeria

.

Dabley hubeysan ayaa gabdho arday ah ka afduubtay jaamacad ku taalla gobolka waqooyi-galbeed ee Zamfara ee Nigeria.

Ardayda ayaa wax ka barata Jaamacadda Dowladda leedahay, waxaana ay ku sugnaayeen qeybta jiifka ee loogu talagalay ardayda ka yimaada dhulalka fog.

Wariye ku suga deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in dableyda ay rasaas ku fureen Jaamacadda inta aysan kaxeysan Gabdhaha.

Weli Booliska  Nigeria iyo maamulka jaamacadda kama aysan hadlin dhacdadan.

Waqooyi-galbeed ee Nigeria waxaa ku soo badanaya afduubka, iyada oo dableyda hubeysan ay dad ka afduubtaan tuulooyinka fog fog, waddooyinka, iyo goobaha aaney Ciidamada ku badneyd.