Somali News

Dad badan oo ku dhintay duqeymo Ruushka ka geystay Ukraine

Ugu yaraan 31 qof lagu dilay duqeymo ay saacadihii la soo dhaafay Militerifga Ruushka ka geysteen magaalooyin ku yaalla dalka Ukraine.

War qoraal ah oo ka soo baxay Booliiska Ukraine ayaa sheegay in 132 qof ay sidoo kale ku dhaawacmeen duqeymaha.

Milateriga Ukraine ayaa sheegay in 158 gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn lagu soo weeraray magaalooyin ku yaalla Ukraine.

Madaxweynaha Ukraine, Vlodmr Zelensky ayaa sheegay in Ruushku uu adeegsaday ​​nooc kasta oo hub ah, isaga oo ku garaacay goobaha waxbarashada iyo Isbitaallada.