Somali News

Dad ku dhintay is rasaaseyn ka dhacay Magaalada Garoowe

Ugu yaraan hal qof oo shacab ah oo ahayd gabar dhallinyaro ah, ayaa ku geeriyooday, dhowr qof oo kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray, shaqaaqo duhurkii maanta ka dhacday magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Shaqaaqadan oo dhexmartay ciidamo katirsan Puntland iyo ciidamo kaloo maleyshiyaad ah, ayaa waxay ka dhalatay soo dhowaynta mid kamida ah dhallinyarada baraha bulshada caanka ka ah oo lagu magacaabo Kabtan Ayuub.

Iska hor imaadka ayaa dhacay, ka dib markii ciidamada maleyshiyaadka ay rasaas ku fureen barxada Garowe, oo ay ka socotay soo dhowaynta Ayuub Cabdirisaaq oo loo yaqaano Kabtan Ayuub, oo baraha bulshada aad looga yaqaano, ahna taageerayaasha madaxweyne Deni.

Warar kale oo aan helnay waxay sheegayaan in isla kooxdan maleyshiyaadka ah ay hoobiye ku tuureen xarunta madaxtooyada Puntland, balse kuma dhicin dhismaha madaxtooyada, mana jirto cid ay waxyeelo kasoo gaartay