Somali News

Dad ku geeriyooday qarax ka dhacay goob laga qodo dhuxusha oo ku taal Colombia

Wargeyska El Tiempo ayaa sheegay in 7 qof ay ku dhinteen kadib markii ay miino kula qaraxday goob dhuxul laga qodo oo ku taal waqooyi bari dalka Colombia.

Wargeysku waxa uu sheegay in “Masuuliyiinta ay xaqiijiyeen dhimashada todobo qof kadib markii uu qarax ka dhacay goob dhuxusha laga qodo oo ku taal waqooyiga Santander.”

Samatabbixiyeyaasha ayaa hadda baadigoobaya siddeed kale oo macdan qodayaal ah oo ku xayiran goobta Qaraxa kadhacay.