Somali News

Dad lagu dilay weerar lagu qaaday Masjid kuyaala Galbeedka Dalka Niger.

Toban qof ayaa ku dhimatay weerar ay rag hubeysan ku qaadeen masaajid horraantii toddobaadkan oo ku yaalla gobolka Tillaberi ee galbeedka Niger, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Faransiiska.

“Weerarku wuxuu ka dhacay Isniintii tuulada Abankour oo ku taalla gobolka xuduudda  ee u dhexeeya Niger, Mali iyo Burkina Faso,” ayuu sarkaal ka tirsan magaalada Banibango u sheegay AFP.

“Kooxaha weerarka geystay waxay ku yimaadeen mootooyin xilligii salaadda maqrib, dadka la dilayna waxay ku jireen masaajidka markii la dilayay,” ayuu raaciyay.

Qof ku sugan magaalada ku dhow ee Tondi Winde ayaa xaqiijiyay weerarka iyo tirada dhimashada