Somali News

Dad rayid ah oo lagu dilay duqeyn laga fuliyay Gobolka Sh/hoose

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn ayaa Diyaarado dagaal ka fuliyeen deegaanka Mubaarik oo hoos yimaada degmada Awdhiigle ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in qaar kamid ah duqeyta ay ku dhacday guryo ay deggan yihiin dad rayid ah oo ku yaalla deegaanka Mubaarik, halkaasi oo ay ka taliyaan ururka Al-shabaab.

Inta la xaqiijiyay saddex ruux oo rayid ah ayaa geeriyooday, halka 10 kalena ay dhaawacmeen, ka dib duqeyn ugu tagtay guryahooda.

Dadka ku dhaawacmay qaarkood ayaa loo soo qaaday Isbitaalada magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyn ka dhacday Deegaanka Mubaarak ku dileen Xubno ka tirsan Al-shabaab oo ay ku jiraan Saraakiil sar sare.