Somali News Uncategorized

Dad shacab ah oo lagu dilay wadanka Burkino Faso.

Kolonyo baabuur ah oo ay lasocdeen tobonaan ruux oo doonayay in ay dib ugu soo laabtaan guryahooda ayaa lagu weeraray gudaha wadanka Burkino Faso.

Koox hubaysan ayaa istaajisay gaawiridii ay lasocdeen, kadibna waxa ay si gooni ah uga saareen ragii lasocday oo ay markii dambr toogteen.

Qaramada Midoobay, oo weerarkan warisay ayaana ragga ladilay ku sheegtay 25 ruux.

 Weerarka ayaa galinkii dambe ee Axadii ka dhacay meel sagaal kiilo mitir u jirta magaalada Pissila ee dalka Burkino Faso.

Sidoo kale hay’adda UNHCR, ayaa ku warantay in kooxda weerarka soo qaaday ay sii daayeen haweenkii iyo caruurtii lasocday kolonyada.