Somali News

Dad Shacab ah oo Sarkaal Al-shabaab ah ku dilay degmada Wanlla-Wayn

Wanlla-Wayn-KNN-Faah Faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Sarkaal sare oo katirsan Al-shabaab oo lagu dilay degmada Wanlla-Wayne ee Gobalka Shabeelaha Hoose sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta amniga ee degmada.

Sarkaalaan oo qaabilsanaa degmada Wanlla-Wayn ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa la sheegay in ay dileen dadka degaanka waxaana degaanka Yaaqbari-wayne ka taagan xiisad arintaasi ka dhalatay oo u dhaxeysa Al-shabaab iyo dadka degaanka.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo katirsan Golaha Shacabka ee BFS ayaa xaqiijiyay in dadweyne ku nool degmada Wanlla-Wayn ay dileen Sarkaan oo katirsanaa Al-shabaab. Xildhibaan Jeesow ayaa soo dhoweeyay arintaan waxa uuna ku baaqay in Ciidamada ay isgarab taagan shacabka degmadaasi.