Somali News

Dagaal markale ka qarxay Magaalada Laascaanood & dhawaqa hub culus oo la maqlayo

Waxaa Dagaal xoogan uu maalinkii 2-aad kasocdaa magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, dhawaqa hubka culus oo la isku adeegsanayo ayaa laga maqlayaa Magaalada,

Dagaalka xooggiisa ayaa lagu soo waramayaa inuu ka socda guriga gobalka oo ka baxsan magaalada Laascaanod oo ay shalay dageen wasiirada Maamulka Somaliland oo ka baxay Hotel ay horey uga dagnaayeen Magaalada Laascaanood.

ilaa iyo hada majiraan ila ka madax banaan dhinacyada dagaalamaya oo xaqiijin kara khasaaraha kadhashay dagaalka Waxaana dagaalka saakay markale Laascaanood Ka qarxay uu socdo ku dhawaad saacad.