Somali News

Dalalka Khaliijka oo soo jeediyey dalab ku saabsan wada-hadallada Iran.

Dalalka Khaliijka ayaa Arbacadii sheegay inay halis noqon doonto in wada-hadallada quwadaha caalamka ay kula jiraan Iran ee barnaamijkeeda nukliyeerka laga reebo banraamijka gantaallada iyo “dhaqanka xasilooni darrada ah” ee Tehran, waxayna mar kale ku celiyeen inay wada-hadallada qeyb ka noqdaan.

Dalalka ugu awoodda badan caalamka iyo Iran ayaa waxaa Sabtdii Vienna ugu billowday wareeggii lixaad ee wada-hadallada la doonayo in dib loogu soo nooleeyo heshiiskii 2015 laga gaaray barnaamijka nukliyeer-ka Iran, kaasi oo ay ka horyimaadeen Sacuudi Carabiya iyo xulufadeyda, islamarkaana Mareykanka uu ka baxay 2018.

Tehran ayaa diiday isku day kasta oo arrimo kale loogu darayo heshiiska, kaasi oo ay ku ogolaatay inay xakameyso barnaamijkeeda nukliyeerka, ayada oo ku beddelaneysa in laga qaado cunaqabteynada saaran.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa doonaya inuu dib usoo celiyo heshiiska oo uu ka baxay madaxweynihii ka horreeyey ee Donald Trump.

Wasiirada Arrimaha Dibedda ee Dalalka Khaliijka ayaa ku booriyey quwadaha caalamka inay xaqiijiyaan heshiis wata xanibaado xooggan iyo waqti fog, ayna “ku xiriiriyaan tallaabooyin lagu dhisayo is-aaminaad,” si looga hortago in gobolka uu ka dhaco tartan dhinaca hubka ah.