Somali News

Dalalka Sweden iyo Finland oo ku biiraya NATO 

Tobanaan sano, dalalka Finland iyo Sweden, ayaa ahaa kuwa aad ugu dhaw isbaheysiga NATO, iyagoo aan ka mid ahayn.

Xubinnimada waxey ka dhigan tahay haddii Ruushku uu weeraro iyaga, waxaa loola tacaamulayaa, sida in weerar lagu qaadey dhammaan dalalka NATO.

Go’aanka kama danbeysta ah, ayaa la filayaa in dalalkani ay gaaraan maalmaha soo socda.

Haddii ay ku biiraan isbaheysiga NATO dalalka Sweden iyo Finland, ayaa Ruushku wuxuu wajihi doonaa dalalka xubnaha ka ah isbaheysga ee dhaca Arctic-ga illaa iyo Badda Madow.