Somali News

Darawal mooto bajaajle ah oo maanta lagu dilay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Askari ka tirsan Ciidamada Canshuurta qaada ee loo yaqaano Minashiibiyada ayaa maanta waxaa uu Darawal Mooto Bajaajle ah ku dilay Isgooyska Sanca ee Magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa KNN u sheegay in askariga iyo wiilka darawalka ay murmeen, kadibna sidaasi uu dilka u dhacay.

Askariga dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday.

Ciidamada booliska soomaaliya ayaa baadi goobaya askariga dilka geystay.

Ma jiraan wali wax war ah oo ka soo baxay Taliska Booliska Soomaaliya.