Somali News

Madaxweeynihii Dowlad deeganka Cabdi Maxamed Cumar oo iscasilay

Jigjig-KNN-Wararka naga soo gaaraya Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegaya in uu iscasilay Madaxweeynihii Maamulkaasi Cabdi Maxamed Cumar.

Iscasilaadda Cabdi Maxamed Cumar ayaa timid ka gadaal markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo Maamulka Federaalka Itoobiya.

Xilka Madaxweeynaha ayaa durbadiiba loo magacaabay Axmed Cabdi Maxamed oo ahaa Wasiirkii Maaliyadda ee nidaamkii Cabdi Maxamed Cumar.