Somali News

Deg deg:- Qarax gaari oo goordhow ka dhacay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Qarax gaari ayaa goordhow waxaa uu ka dhacay Isgoyska Km4 ee Magaalada Muqdisho.

Jugta qaraxa ayaa waxaa laga maqlay guud ahaan degmooyinka Gobolka Banaadir.

Dad goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in qaraxa lagu xiray gaari nooca Raaxadda ah.

Gaariga qarxay ayaa la sheegay inuu watay sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana la tilmaamay in hada uu gubanayo ruuxa saarnaa gaariga qarxay.

Ma jiraan wali faahfaahin intaasi ka dheer oo laga helay qaraxa caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Wixii ku soo kordha la soco.