Somali News

DEG DEG:- Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay saldhiga ay ciidanka xoogga ku leeyihiin Sh/Dhexe.

Wararka naga soo gaaraya gobolka shabeellada dhexe ayaa sheegaya in gaari qarax laga soo buuxiyay lagu weeraray saldhig ay ciidamada xoogga ku leeyihiin deegaanka Biyo cadde ee gobolkaasi.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in khasaaro dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay qaraxa, iyadoona la soo werinayo in saraakiil ciidan ay ku dhaawacmeen weerarka.

Warar hor u dhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in Korneyl Saney Cabdulle uu ku dhaawacmay qaraxa lagu weeraray saldhigga ay ciidamada xoogga ku leeyihiin deegaanka Biyo Cadde ee gobolka shabeellada dhexe.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in afar askari ay ku geeriyoodeen qaraxa, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen.

Ma jiro weli wax faahfaahin intaasi ka dheer oo laga helayo qaraxa.