Somali News

Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho-KNN-Qarax ayaa goor dhow ka dhacay eeriyada isgoyska Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay goob maqaayad ah oo dad shacab u badan ay ku sugnaayeen, welina si rasmi ah looma oga khasaraha ka dhashay qaraxaas.

Afhayeenka booliska Soomaaliya ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga waxa uu ku yiri, “Qarax ayaa ka dhacay Xamar Jajab, agagaarka Scuola Polizia, maqaaxi ay dad shacab u badan fadhistaan, wixii ka soo kordha waan idinla socodsiindoonaa.”

Wixii ka soo kordha kala soco KNN.