Somali News

Weriye Cabdullahi Kulmiye Cadow oo dib u helay xorriyadiisa

Waxaa goordhow dib xoriyaddiisa u helay weriye Cabdullaahi Kulmiye Caddow oo ka tirsan shaqaalaha idaacadda Kulmiye.

Dadaal dheer oo ay sameeyeen maamulka Idaacadda Kulmiye ayay ku suurta gashay in maanta weriye Cabdullaahi Kulmiye Cadow uu xoriyaddiisa helo.

Weriyaha ayaa maalmihii la soo dhaafay u xirnaa dowladda Federaalka Soomaaliya.

Weriyaha ayaa waxaa uu  u xiranaa wareysi uu ka qaaday  Ganacsade Abuukar Cumar Cismaan, oo taageeray fekerka Al-Shabaab.