Somali News

Deni oo guddoomiyay shir looga hadlay Amniga & Abaaraha

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shir Guddoomiyey Shirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo looga hadlay Amniga guud, gurmadka Abaarta.

Sidoo kale shirka waxyaabihii looga hadlay waxaa qeyb ka ahaa Natiijada imtixaanaadka fasalka 8-aad oo la shaaciyey iyo sixitaanka fasalka 12-aad oo bilowday kadib markii maamulka ay bixisay kharashka imtixaanka lagu saxaayo.

Shirka oo uu Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xgeenka Dowladda Putland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sidoo kale looga hadlay tartanka kubadda Kolayga.

Dhinacyada ayaa isku af gartay in la dardargeliyo, howlaha shaqo ee loo hayo bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa reer Puntland.