Somali News

Deni oo magacaabay taliyeyaal ciidan xilli shalay la dilay Taliyihii ciidanka madaxtooyada

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Deni, ayaa maanta laba taliye oo cusub u kala magacaabay ciidanka ilaalada madaxtooyada iyo taliska qeybta booliska gobolka Nugaal.

Madaxweyne Deni ayaa G/Sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir u magacaabay Taliyaha ciidanka ilaalada madaxtooyada maamulka Puntland.

Waxaa xusid mudan in taliyihii hore ee ciidanka madaxtooyada Puntland shalay lagu dilay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, xilli ay ku jireen howlgal lagula dagaalamyey maandooriyaha.

Sidoo kale madaxweynaha Puntland Saciid Deni waxa uu maanta  G/Sare Maxamed Aadan Jaamac isna u magacaabay Taliyaha qeybta booliska gobolka Nugaal.