Somali News

DF oo war cusub ka soo saartay weerarradii ay Al-Shabaab ka fuliyeen Sh/Hoose

Muqdisho-KNN-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa boogaadiyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo Guulo ka gaaray Weerar Fuleynimo ah oo Argagixisadda ay ku soo qaadeen Fariisimaha Ciidanka Ee Deegaanada Awdheegle iyo Bariire.

“Waxaan boogaadinayaa naftood hurayaasha geesiyaasha ah ee habeen iyo maalin u taagan Difaaca dadkood ,Dalkooda ,Diintooda oo Maanta dharbaaxo weyn ku dhuftay argagixisadda ” ayuu yiri Wasiirka Difaaca Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in si dhaw ay ula shaqeeyaan Ciidanka XDS ,isagoo alle ugu baryay Geesiyaashii ka Shahiiday Maanta in alle uu janada Fardowso ka Waraabiyo ,Waxaana uu Caafimaad u rajeeyay Naftood hurayaasha dhaawacyada ay ka soo gaartay Dagaalkii maanta ay Al-Shabaab kula galeen Bariire iyo Awdheegle oo ka wada tirsan Sh.hoose.