Somali News

DFS oo heshiis ku kacaya malaayiin lacag ah la saxiixatay Talyaaniga

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya iyo Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis ay dowladda Talyaaniga ku taageereyso qaar ka mid ah isbitaalada dalka

Heshiiskan oo ku kacaya Seddex Milyan oo EURO waxay dowladda Talyaaniga ugu talogashay in wax looga qabto qaar ka mid ah isbitaalada dalka, waxaana kala saxiixday Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr Fowsiya Abiikar Nuur iyo safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Danjire Alberto Vecchi.

Heshiiska kadib Wasiirka iyo mas’uuliyiinta kale ayaa kormeeray qeybta daryeelka gaarka ah ee dhalaanka cusub oo ay horey u dhistay, una qalabeysay dowladda Talyaaniga, iyadoo qeybtan iyo tan dhalmadaba loogu adeego Dadka danta yar ee ka kala yimaada dalka oo dhan.

Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya -Danjire Alberto Vecchi ayaa xusay inay sii wadi doonaan tageerada ay ku bixiyaan dhismaha isbitaalada iyo hagaajinta adeegyada caafimaad ee dalka, si bulshada Soomaaliyeed ay u helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh.