Somali News

DFS oo sheegtay in aan la shaqaaleysiin doonin cid aan imtixaan u gelin shaqada

Sii hayaha wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Sadiq Xirsi Warfa ayaa xarunta Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda ku soo xiray wajiga labaad ee tirakoobka madax ka tiriska Shaqaalaha Rayidka Dowladda.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in aysan dowladdu aqbalayn in la shaqaaleysiiyo qof aan laheyn aqoon iyo khibrad isla markaana aan ka gudbin imtixaanka shaqa siinta dowladda.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in ujeedka laga leeyahay tirakoobka Shaqaalaha Dowladda uu yahay kor u qaadidda tayada shaqaalaha iyo dhismaha kayd dhexe si loo gaaro daahfurnaan.

“Tirakoobka shaqaalaha oo aan dadaal galinay waxaan ku doonaynaa inuu door ka qaato horumarinta Shaqaalaha oo muhiim u ah gaarista yoolalka dib u dhis ee dalka.” ayuu yiri isagoo inta ku daray “ Waxaan diiradda saaraynaa sidii daahfurnaan lagu gaari lahaa oo ay fursadaha shaqooyinka u noqdaan kuwo si siman looga faa’iideysto.”