Somali News

DFS oo sheegtay in ay burburiyeen saldhigyo ay Al-Shabaab ku leeyihiin shabeelooyinka

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in hawlgal qorsheysan oo ay ciidamada kumaandooska Soomaaliya ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolada Shabeellada dhexe iyo Shabeellada Hoose.

Hawlgalka ayaa saraakiisha hoggaamineysay waxaa ay sheegeen inay ku burburiyeen Xarun Maxkamad oo ay lahaayeen Al-Shabaab oo ku taallay Tuulada Basra ee degmada Balcad sidoo kalena ay dileen Sarkaalkii Al-Shabaab ugu magacaawnaa Tuuladaas.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka  Odawaa Yuusuf Raage, oo la hadlay idaacad ku hadasha afka ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in ujeedka hawlgalka uu yahay bur-burinta goobaha ay Al-Shabaab lacagaha uga qaadaan Shacabka , isaggoo xusay in ciidanka ay  la wareegeen Goobo badan oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.