Somali News

Ciida Xoogga oo sheegay in la dilay madaxii Maaliyadda gobolka Baay ee Al-shabaab

Ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in ay dileen Madaxii Maaliyadda ee dagaalameyaasha Al-shabaab u qaabilsana Gobalka Baay, Aadan Gardhuub iyo xubno kale.

Howlgalka oo uu hoggaaminayey Taliyaha Ururka 46-aad, Guutada 8aad, Qeybta 60aad ee Ciidanka xoogga dalka Xiddigle Xasan Aadan Maxamed ayaa laga Fuliyey Degaanada kala ah Adeegow Garaar ,Warta Dollar , Weeley Bagal iyo Degaanka Eey-Duuraay Ee Gobalka Baay.

Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay in xoojinaayaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Gobolka Baay.