Somali News

DFS oo sheegtay in Kenya aysan wax dan ah ugu jirin in uu xumaada xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabeysa hadal kasoo yeeray Madaxweynaha Kenya Uhuru kenyatta oo ahaa in xukunka Maxkamada uu sii xumeenayo xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegtay in dowladda Kenya in aysan wax dan ah ugu jirin inuu xumaado xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya  Bilaal Maxamed Cusmaan, ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ka shaqeynayso sidii xirirka labada dal uu u noqon lahaa mid wanaagsan, balse haddii Kenya ay diido arintaas ay Soomaaliya u taagan tahay difaaca baddeeda.

“Waxaan aaminsanahay in shacabka iyo dowladda Kenya ay ogyihiin in aysan wax dan ah ugu jirin in uu xumaado xiriirka labada dal, waxaan ka shaqeyn doonaa dhankeenna in uu wanaagsannaado xiriirka labada dal, laakin haddii ay diidaan waxyaabaha ay nabaddu ku hagaageyso, dowladda Soomaaliya waxa ay u taagan tahay oo mas’uuliyadeedu tahay difaaca dadkeeda, dalkeeda, diinteeda iyo biyaheeda,” ayuu yiri Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya  Bilaal Maxamed Cusmaan.