Somali News

DFS oo sheegtay in tobanaan ka tirsan Al-shabaab lagu dilay Howlgalada ka socda dalka

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa howlgallo ka sameeyay deegaanka Yasooman oo hoos taga degmada Buula-burde ee Gobolka Hiiraan.

WarSaxaafadeed ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in howlgalka lagu dilay in ka badan 45 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab.

Dhinaca kale, qoraalka ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka ay deegaanka Warmaxan ee gobalka Shabeelaha sagaal dagaalame oo ka tiraan Al-shabaab.

Howlgalka deegaanka Warmaxan inta uu socday waxaa dhaawac uu ka soo gaaray Saddex ka mid ah ciidamada xoogga.

Hoos ka akhriso Warsaxaafadeedka