Somali News

DFS oo sheegtay in xubno ka tirsan Al-shabaab lagu dilay Galgaduud

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ay Al-shabaab ka geysteen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

Saraakiil u hadashay milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in khasaaro xoogan ay gaarsiiyeen dagaalameyaashii ka tirsanaa Al-shabaab ee weerarka ka fuliyay deegaanka Tuulo-xaayow ee gobolka Galgaduud.

Inta la ogyahay 15 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab ayay ciidamadu ku dileen howlgal ka dhacey inta u dhexeysa Ceeldheere iyo Tuulo-xaayoow oo dhaca inta u dhexeysa laamiga xiriiriya Guriceel iyo Dhuusamareeb, sida ay baahisay warbaahinta dowladda

Waa wareerkii labaad oo toddobaad gudihiisa ay Al-Shabaab ka fuliyaan deegaanada Galmuudug.

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku geeriyooday weerar ay sidoo kale Al-Shabaab Axaddii hore ku qaadeen xerada ciidamada Daraawiishta Galmudug ay ku leeyihiin magaalada Wisil ee gobolka Mudug, waxaana weerarkan uu ku billowday gaari lagu qarxiyay irridda hore ee xerada.