Somali News

DFS oo soo shaacisay tirada dadka geeriyooday roobkii ka da’ay dalka

Hay’adda Gargaarka  Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa soo saartay warbixin ku saabsan khasaaraha ka dhashay roobka daadka watay ee ka da’ay qeybo kamid dalka.

Roobabkaan ayaa si xooggan uga da’ay Koofurta iyo Bartamaha dalka gaar ahaan Dowlad Goboleedyada kala ah Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland.

Hay’adda ayaa sheegtay Roobka uu si toos ah noloshooda u sameeyay  850,000 qof, iyada oo la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen 29 qof.

Sidoo kale Hay’adda ayaa sheegtay in Dadka ku barakacay ay gaarayaan  305,000 qof.

Hay’adda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ayaa tilmaamtay in ay socdaan dadaal gargaar lagu gaarsiinayo dadka ay waxyeelada so gaartay.