Somali News

Dhageyso:- ONLF oo heshiis la gaartay ismaamulka Soomaali Galbeed

Muqdisho-KNN- Jabhadda ONLF ayaa la sheegay in heshiis xabad joojin la gashay madaxweynaha KMG ee dowlad deegaanka Soomaali galbeed.

Afhayeenka jabhadda ONLF Cabdulqaadir Hirmooge Cadaani oo la hadlay KNN ayaa sidaasi u sheegay,waxaa kale oo uu sheegay in maalmaha soo socdo la qabandoono shirweyne,kaas oo ka dhicidoona xarunta dowlad deegaanka soomaali galbeed ee Jigjiga.

Halkan ka dhageyso Wareysi Afhayeenka ONLF Cabdulqaadir Hirmooge Cadaani oo u waramay KNN.