Somali News

Dhaqtar lagu dilay waqooyiga magaalada Gaalkacyo

Allah ha u naxariistee, waxaa magaalada Gaalkacyo lagu dilay Dr Sakariye Cabdi Jaamac oo kamid ahaa dhaqaatirta ka howl-gasha magaalada.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Koox hubeysan ay gudaha u galeen Xaruntiisa shaqada ee Al Xaramayn Clinic oo uu Maamulaheeda ahaa ayaa dilay kadib na goobta ka baxsaday.

Warar soo baxay ayaa sheegay in dilka uu la xiriiro Aano Qabiil, balse wali laamaha amniga Gaalkacyo wali kama hadlin dilkan.