Somali News

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay duqeyn Ruushka ka fuliyay Ukraine

Guddoomiyaha gobolka Kherson ee dalka Ukraine, Olexsander Prokudin ayaa sheegay in ugu yaraan saddex qof ay dhinteen ka dib markii duqaymo ay fuliyeen diyaaradaha Russia.

“Labo dumar ah iyo hal nin ayaa geeriyooday markii u haleelay Gantaal gurigooda, waxaana dhaawacmay dad kale” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Guddoomiyaha ayaa da’doodu kula sheegay in ay ahaayeen 48 iyo 40 sano jir, ninkuna uu ahaa 46 sano jir, dhaawacana la dabiibayo.

Duqeymaha Ruushka uu ka wada Ukraine ayaa kordhay waxaa ku dhintay Ciidan ka tirsan militariga dalkaasi iyo dad rayid ah.