Somali News

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay gaari oo ka dhacay duleedka Balcad

Balcad-KNN-Ugu yaraan 2 qof ayaa ku geeriyooday 3 kalane dhaawacyo ayaa ka soo gaaray gaari maanta ku rogmaday inta u dhaxaysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Gaariga rogmaday ayaa kasoo baxay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle waxaana uuna dhuxul usoo waday magaalada Muqdisho.

Qof kamid ah dadkii ku safrayay wadada oo la hadlay ayaa KNN u sheegay khasaaraha dhimashada iyo mida dhaawaca ah ee ka dhashay gaarigaas ku rogmaday meel u dhaw degmada Balcad ee Sh/Dhexe.

Dadka dhaawacmay ayaa loo soo qaaday magaalada Muqdisho waxaana la sheegayaa in dhaawaca soo gaaray uusan aheyn mid adag sida ay sheegayn dadkii soo qaaday.

Ilaa hadda lama oga sababta keentay shil gaari balse waxaa la sheegayaa in wadadaasi uu ka jiro bur bur xoog leh oo waqtiyo kala duwan sababay shilal gaari iyo dhibaatooyin kale.