Somali News

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qarax ka dhacay guriga wasiir ka tirsan Jubaland

Kismaayo-KNN-Inta la xaqiijiyey seddax askari ayaa ku geeriyootay qarax caawa ka dhacay gudaha guri uu Kismaayo ka deganyahay wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Dalxiiska dowlad goboleedka Jubaland Caydiid Sulaymaan Xaashi.

Wasiirka ayaa ka badbaaday qaraxa, balse waxaa lagu dilay seddax ka mid ah ilaaladiisii, halka ugu yaraan laba kalena ay ku dhaawacmeen.

Saraakiil ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa noo sheegay in qaraxaas uu ahaa mid guriga wasiirka lagu sii diyaariyey.

Guriga la qarxiyey ee wasiirka ayaa ku yaalla xaafadda Siinaay ee magaalada Kismaayo, gaar ahaan aagga loo yaqaano Labasuulle.