Somali News

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qarax ka dhacay Mandheera

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaare dhaliyay oo ka dhacay magaalada Mandheera ee waqooyi bari Kenya.

Qaraxa oo nuuca lagu sheegay miino ayaa ka dhacay bannaanka goob hotel ah oo askar iyo dad rayid ah ay ku sugnaayeen.

Taliyaha booliiska Mandheera, Samwel Mutunga ayaa xaqiijiyay in Afar ruux oo uu kamid yahay askari booliis ah ay ku geeriyoodeen qaraxa, halka 11 qof oo kale ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in laba ka mid ah dadka dhaawacmay ay xaaladooda caafimaad liidato.

Hoteelka la qarxiyay ayaa lagu magacaaba hotelka Mama Samaki, waxaana inta badan ku kulma dadka shacabka ah.