Somali News

Dibad baxyo lamamnuucay oo ka bilawday Hong Kong.

Muqdisho-KNN-Iyadoo Booliska Hong Kong ay mamnuuceen dibad baxyada Ismaamulka Hong Kong ayaa haddana wadooyinka waa wayn ee jasiiradaasi waxaa iskugu soo baxay boqolaal ruux.

Iskusoo baxyada looga soo hor jeedo faragalinta Shiinaha ee Hong Kong ayaa galay todobaadkii 13’aad oo xiriir ah.

Dibad baxa maanta oo sabti ah ayaa ka bilawday bartamaha magaalada iyadoona dadka dibad baxayada dhigaya ay markii danbe isku fidiyeen goobo muhiim ah sida garoonka ciyaaraha iyo xarunta ugu wayn ee booliska.

Mudaarahaadyada oo soo bilawday bishii June ayaa dadku waxa ay dalbanayaan in laga laabto sharci muran badan dhaliyay kaas oo ah in Shiinaha lagu maxkamadeeyo dadka dambiyada ku galaha gudaha Hong Kong.

Jimcihii booliska ayaa xabsiga dhigay sadax kamid ah sharci dajiyaasha ismaamulka Hon Kong iyo dhawr kamid dhaq dhaqaaqa dimoqoraadiyad doonka. 

Hogaamiyaha Hong Kong ayaa dibad baxyaasha ka dalbatay in wada xaajood lagu dhameeyo waxa ay dadku ka cabanyaan.