Somali News

Dibadbaxyo lagu diidan yahay guusha Joe Biden oo ka socda magaalooyin ku yaalla Maraykanka

Muqdisho-KNN- Dad caraysan oo taageersan m/weynaha laga guulaystay ee Maraykanka Donald Trump ayaa banaanbax rabashado wata ka dhigaya magaalada Fiinikis oo ka tirsan gobolka Arisona ee dalka Maraykanka.

Dibadbaxayaashaan oo wata boorar ay ku taageerayaan Donald Trump ayaa ku hor banaanbaxay halka ay ka socotay tirinta codadka gobolka Arisona waxaana ay sheegeen in lagu shubtay codadka oo codadka qaar la xaday.

Maamulka gobolka ayaa goobta geeyay ciidamo boolis ah oo aad u tira badan si xaaladda loo dajiyo.

Sawiro iyo muuqaalo la duubay ayaa laga arkay dibadbaxayaasha qaarkood oo hubeysan.

Joe Biden oo ka socda xisbiga Dimoqraadiga ayaa ka guulaystay Donald Trump oo 4,tii sanno ee lasoo dhaafay Maraykanka xukumayay.

Magaalooyin kale oo Maraykanka ku yaala ayay sidaan oo kale dibadbaxyo lagu taageersanyahay Trump ay ka dhaceen.