Somali News

Dil Goordhow ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Askari ka tirsan ciidanka Booliska soomaaliya ayaa la sheegay in  maanta uu  isgooska Howl-wadaag  ee Gobalka Banaadir ku dilay  wiil dhalin yaro ah oo ka xeeya Mooto Bajaaj.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in askari iyo wiilka mooto bajaaj la ah ay murmeen, kadibna askari uu xabad ku furay wiilka dhalin yarada ah.

Ciidamo badan oo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa tagay goobta, waxaana la sheegay in askarigii dilka geystay uu goobta ka baxsaday.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Booliska soomaaliya.