Somali News

Dil ka dhacay caawa Boosaaso

Bosaaso-KKN-Koox hubeysan ayaa caawa fiidkii waxa ay ku dileen magaalada Boosaaso masuul ka tirsanaa shirikadda isgaarsiinta Golis ee ka shaqeysa deegaanada Puntland.

Ninka la dilay ayaa magaciisa waxaa lagu sheegay Cabdullaahi Cumar Cali, waxa ayna wararka qaar sheegayaan in ninka la dilay uu ahaa mareeye ku xigeen ka tirsan Shirikadda isgaarsiinta Golis.

Ninkan ayaa waxaa la dilay isaga oo kasoo baxayay masjid uu kusoo tukaday salaaddii cishaha, kooxdii dilka geeysatana durbadiiba goobta ayay isaga baxsadeen.

Ciidammada amaanka ayaa goobta soo gaaray dilka kadib, waxa ayna bilaabeen howgallo ay ku baadi goobayaan kooxdii dilka geysatay.